Shiinaha oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo horumarinta maamulka hawada iyo kaabayaasha duulista

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maamulka hawada, duulista rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Arrintan ayaa lagu sheegay kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ku dhex maray Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu iyo Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuur.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku saabsan gaadiidka, duulista hawada, iyo fursadaha maalgashi ee ka jira garoomada diyaaradaha dalka. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Wang Yu ayaa caddeeyay in dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto tababarka shaqaalaha, qalabaynta xarumaha duulista, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo kor u qaadi kara adeegyada gaadiidka iyo duulista rayidka ah ee dalka.

Wasiir Maxamed Faarax ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha garab istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono dib-u-dhiska iyo casriyeynta adeegyada duulista hawada ee dalka.

Kulanku wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo dhowrkii todobaad ay cirka ku shareerneyd xiisadda maamulka hawada oo dhex tagaan dowladda dhexe ee Soomaaliya & Somaliland oo sheegaysa inay u madaxbanaan tahay xaquuqda maamulka hawada.

Dhanka kale, Beijing ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay qaadayay olole diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in ay go’doomiyaan Taiwan, iyadoo cadaadis saaraysa dalalka xiriirka la leh ama taageera Taipei, si ay u ilaashato mabda’a Shiine-hal ah.

Shiinaha ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, wuxuuna taageero dhaqaale iyo mid horumarineed siiya dowladda federaalka, iyadoo labada dal ay dhawaan ka wada hadleen mashaariic ku saabsan maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha.

Diblomaasiyiinta qaar ayaa sheegay in xiriirka sii xoogeysanaya ee Shiinaha iyo Soomaaliya uu sidoo kale ka tarjumayo dadaalka Beijing ee lagu ballaarinayo saameynta siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee Afrika, xilli ay sii kordhayaan tartamada quwadaha waaweyn ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed