Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta ka hadlay dagaallada beeleedyada khasaaraha badan & kuwa naxdinta ah watay ee ka dhacay degmooyinka Wanlaweyn iyo Yaaqberiweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Laftagareen ayaa ugu baaqay beelaha dirirtu ku dhexmartay gobolka in ay joojiyaan colaadda, ayna nabadda door bidaan. Wuxuu cambaareeyay falalkii gubista dadka & guryaha ee lagu arkay dagaallada inta ay socdden ee labada degmado Wanlaweyne iyo Yaaqberiweyne.
Sidoo kale, madaxweyne Laftagareen oo hadalkiisa uu arintan kaga hadlayey sii wata ayaa mar qura afkiisa wuxuu ka sheegay hadal ay dadka si yaab leh uga falcliyeen, kadib markii uu yiri “ is dilka waa gar, laakin isgubka waa Gardaro”, wallow uu gadaal ka raaciyey in insaanku tan iyo abuuristiisa dhiig iyo dil u joog ahaa. Hadalkan ayaa dadku si yaaba kala duwan u farisireen, inkasta oo aanu jawaab kale maamulka ka soo bixin.
Laftagareen ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu wado dadaallo lagu joojinayo dagaalkaas si loo soo celiyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 11-kii bishaan ku dhawaaqay awaamiir culus oo looga jawaabayo dhacdooyinkii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo waaran nolol iyo geeri loogu soo qabanayo u jaray dad la sheegay inay kaalin ku lahaayeen falalkaas.
Dhanka kale, Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ragga la soo xiray dhacdaani, kuwaa oo seddex gaaraya, laguna kala sheegay magacyadooda Saalax Xuseen Cali, Cabdixamid Cabdullaahi Siidow, iyo Dahir Mukhtaar Shiribow, kuwaa oo lagu wareejiyey Maxkamadda Ciidamada.
HBN ONLINE TV

