Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho, kaddib muddo dhowr sano ah oo uu dibadda ugu maqnaa, gaar ahaan dalalka Qatar iyo Turkey.
War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayo inuu “xoojiyo dadaallada qaran ee lagu wajahayo waa sida war-saxaafadeedka lagu sheegaye xasillooni-darro siyaasadeed, xaqiijinta doorasho loo dhan yahay iyo ilaalinta midnimada dalka,” arrimo uu xafiiskiisu sheegay inay weli yihiin caqabado muhiim ah.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Farmaajo uu kulammo wadatashi la yeelan doono hoggaanka siyaasadda, masuuliyiin dowladeed, iyo waxgaradka bulshada, si ay uga wada hadlaan xaaladda dalka iyo dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed.
Soo laabashadiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalka ka socdaan dooddo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya iyo diyaar-garowga doorashooyinka soo socda.
Hbn Online Tv

