Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli uu sii xoogaystay khilaafka doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, caasimadda dalka.

Soo laabashada Farmaajo ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dalka ka jiro xiisad siyaasadeed oo sii xoogaysanaysa, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya mucaaridka iyo dowladda federaalka ee ku aaddan hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka soo socda.

Imaanshihiisa ayaa loo arkaa mid kor u sii qaadi kara dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka, maadaama uu yahay siyaasi weli miisaan ku leh saaxadda siyaasadda Soomaaliya, isla markaana ay socdaan dadaallo cusub oo mucaaridku ku doonayaan inay doorashada ku galaan si mideysan.

Farmaajo ayaa soo noqday madaxweynihii sagaalaad ee Soomaaliya, isaga oo xilka hayay intii u dhaxaysay 2017 ilaa 2022. Socdaalkiisa Muqdisho ayaa lagu tilmaamay mid calaamad u ah xilli siyaasadeed oo kulul oo uu dalku galay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed