Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa gacanta ku dhigay doon uu wadatay calanka dalka Iran, taas oo ay toddobaadkii hore burcad-badeed Soomaali ah u adeegsadeen weerar ay ku qaadeen markab shidaal sida oo marayey meel u dhow xeebaha Soomaaliya. Weerarka kadib ayay burcaddu ka carareen goobta, iyagoo isaga tagay doontii ay weerarka ku qaadeen.
Howlgalka badda Midowga Yurub ee Atalanta ayaa sheegay in shaqaalaha doonta ay badqabaan, islamarkaana la wada shaqeynayaan hay’adaha ammaanka Soomaaliya si loo raadiyo kooxdii burcad-badeedka ahayd.
War-saxaafadeedka howlgalka Atalanta ayaa lagu sheegay in doonta ay burcaddu kaga tageen xeebta waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo si dhow ay ula socdeen markab hoggaaminaya howlgalka iyo markab dagaal oo Hindiya leedahay. Doonida la qabtay ayaa ahayd mid kalluumeysi, taas oo la afduubay bilowgii bishan.
Burcad-badeeddu waxay u adeegsadeen weerar ay ku qaadeen markabka shidaalka Hellas Aphrodite, oo siday baasiin ka yimid Hindiya kuna sii jeeday Koonfur Afrika, islamarkaana uu watay calanka Malta. Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa Jimcihii xaqiijiyay amniga markabkaas.
Weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta agagaarka Geeska Afrika — oo ay ku jirto mid la rumeysan yahay in ay geysteen burcad-badeed Soomaali ah, ahaydna tii ugu horreysay muddo sannad ah — ayaa dib u kiciyay walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee tamarta caalamka lagu qaado.
HBN Online TV

