Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan kula yeeshay Qasriga Al-Muradiya dhiggiisa dalka Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun, iyadoo uu weli ku guda jiro maalintii labaad ee booqashadiisa rasmiga ah ee dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay madaxtooyada Aljeeriya, halkaas oo cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaasi ay siiyeen salaan sharaf, waxaana labada dal lagu maamuusay calammadooda qaranka. Kadib soo dhaweynta, labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
Intaas kaddib, madaxda Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa si wadajir ah u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan wafdiyada labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saaray kobcinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Aljeeriya soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo xusay in booqashadani ay astaan u tahay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Dhankiisa, Cabdulmajiid Tabbuun ayaa bogaadiyay dadaalka Soomaaliya ee ku wajahan nabadeynta iyo horumarinta dalka, wuxuuna xaqiijiyay in Aljeeriya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

