Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda masuul uga tahay maamulka iyo hagida hawada Soomaaliya ee dhulka iyo biyaha xadka badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale hawada badweynta ee loo igmaday.
Sida lagu sheegay wareegto uu soo saaray Agaasimaha Guud Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macallim, ayaa sheegay in hay’adda sharci ahaan loo xilsaaray maareynta adeegyada hagidda duulista, bixinta rukhsadaha soo degista iyo duulimaadyada dul mara, iyo oggolaanshaha soo dejinta qalabka la xiriira duulimaadyada.
Wareegtadu waxay sidoo kale tilmaantay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga isgaarsiinta ee waqooyiga FIR-ka, iyadoo la adeegsanayo nidaamka CPDLC iyo SATCOM.
Hay’adda Duulista waxay uga digtay shirkadaha iyo duuliyayaasha aan u hoggaansamin xeerarka duulista Soomaaliya ama kuwa caalamiga ah, taas oo keeni karta ciqaab sharci iyo xayiraado howlgal. Tani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku hananayso maamulka hawadeeda, sida xogta lagu sheegay.
HBN ONLINE TV

