Buuq iyo mudo-horaad ka dhacay maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa hakad galay, kaddib markii qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka ay sameeyeen shaqo-joojin ballaaran oo ay uga cabanayaan shirkadda ajnabi ah oo gacanta ku haysa maamulka garoonka.
Shaqaalahan ayaa sheegay in ay gadoodkooda ku saleeyeen go’aankii shirkaddu ku eriday dhowr ka mid ah shaqaalihii ay wada shaqaynayeen, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 15 qof, isla markaana la shaaciyay magacyadooda iyo lambarradooda aqoonsi, balse war arintaasi ah la xariira ma helin warbaahintu.
Dibadbax kooban oo ay ka sameeyeen gudaha garoonka ayaa sababay in qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ay hakad galaan. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqaale xiran dharka shaqada oo fariisanaya ama taagan gudaha garoonka, iyagoo aan wax shaqo heyn, taas oo caddeyneysa cabashadooda.
Shaqaalaha ayaa codsaday in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah u farageliso xiisadda u dhaxaysa iyaga iyo shirkadda garoonka maamusha oo lagu magacaabo Fivori, si looga fogaado carqalad ku timaada howlaha garoonka oo ah mid muhiim u ah dalka.
Ilaa hadda, maamulka Garoonka Aadan Cadde iyo shirkadda Favori kama aysan hadlin arrinta, iyada oo xaaladda garoonka lagu sheegay mid kacsan oo ay saameyn ku yeelatay duulimaadyadii maanta qorshaysnaa.
HBN ONLINE TV

