Somaliland oo dhaqan gelisay amarradeedii diyaaraddaha Iyo nidaamka e-Fisaha

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtay in ay si buuxda u dhaqan gelisay amarro horey uga soo baxay oo la xiriira duulimaadyada, maamulka hawada iyo nidaamka dal-ku-galka (E-Visa) ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelisay bishii September ee sanadkan. Wasiirka Duulista Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aanay hawada Somaliland mari karin diyaarado aan oggolaansho ka haysan maamulka Hargeysa.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhammaan diyaaradaha isticmaala hawada Somaliland lala sameeyay xiriir toos ah, isla markaana lagu wargeliyay awaamiirta cusub iyo shuruudaha la xiriira oggolaanshaha duulimaadyada.

Fu’aad Axmed Nuux ayaa xusay in qaar badan oo kamid ah shirkadaha diyaaradaha ay aqbaleen shuruudahaas, isla markaana ay muujiyeen diyaar u ahaansho ay ku hoggaansamayaan nidaamka ay Somaliland dejisay.

Sidoo kale, Wasiirka Duulistu wuxuu sheegay in diyaaradaha aan u hoggaansamin awaamiirtaasi laga bilaabo berri laga leexin doono hawada Somaliland, isagoo intaas ku daray in ay haystaan qalab casri ah oo u suurtagelinaya inay si toos ah ula xiriiraan diyaaradaha maraya xuduudda hawada ee Somaliland. Wuxuu ku adkeeyay in maamulka Somaliland uu si buuxda u maamulo hawadiisa, isla markaana uu dhaqan gelinayo amaradii uu hore u soo saaray.

Dadka u safra Puntland iyo Somaliland ayaa hadda dal-ku-galka looga qaadaa labo lacagood, mid ay ka qaado dowladda federaalka iyo mid ay ka qaadaan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Go’aankan ayaa sii muujinaya khilaafka u dhexeeya maamullad Puntland – Somaliland iyo Dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinacyada maamulka hawada, socdaalka, iyo awoodda fulinta arrimaha federaalka ee gobollada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed