Muxuu yahay qorshaha Somaliland wado ee lagu soo daynayo Maxaabiis looga hayo Laasacaanood?

Xukuumadda Somaliland ayaa war ka soo saartay halka uu marayo qorshaha siideynta maxaabiista looga qabtay colaadii labadii sano ee la soo dhaafay ee u dhexeysay iyaga iyo mamulkii hore SSC-Khaatumo, waxaana xogtan lagu soo hadal qaaday suurtagalnimada in Laascaanood iyo Hargeysa ay isfaham ka gaari karaan arintaani.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf, oo kulan gaar ah la qaatay Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay arrintaas, isagoo soo bandhigay in Somaliland ay wado qorshe si nabad ah lagula soo wareegayo Maxaabiista kaga xiran Laasacaanood, halka kuwa ay hayaan ku bedelan doonaan.

“Maxaabiis baa inaga xiran, iyane qaar baan ka heynaa. Somaliland waxay diyaar u tahay wado kasta oo maxaabiista lagu soo daynayo — haday nabad tahay ama habab kale. Wadooyin badanna hadda way furan yihiin,” ayuu yiri wasiir Maxamed Yuusuf, inkasta oo uu diiday inuu faahfaahiyo wadiiqooyinka kale ee qorshaha ugu jira xukuumadda Somaliland.

Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay si dhow ula socoto xaaladda maxaabiistooda xiran, isagoo tilmaamay: “Arrinta maxaabiistu waa mid qaran. Anaga ayay inaga xiran yihiin, sidii loo soo deyn lahaana gacanteenna ayey ku jirtaa, meel wacan ayeyna maraysaa.”

Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli xalay maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya uu magacaabay Guddiga Nabadda & Wadaxaajoodyada, kuwaas oo la mid ah guddiyo hore u samaysay Somaliland.

Inkasta oo labada dhinac ee Somaliland iyo Woqooyi-bari ay si rasmi ah u dhowreen faahfaahinta qorshaha, haddana ilo madaxbanaan ayaa sheegaya in guddiyada nabadda lagu wado inay ku kulmaan meel ka baxsan dalka, si ay uga wada hadlaan qorshe nabadeed oo ay ka mid yihiin: isdhaafsi maxaabiis, furitaanka waddooyinka & kala qaadista ciidamada.

Arrimahan waxaa qayb ka ah odayaasha dhaqanka ee ka socda Laascaanood iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo wada qorshe lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta.

Somaliland ayaa u aragta Woqooyi-bari deegaan ka mid ah dhulkeeda, halka mas’uuliyiinta Woqooyi-bari ay sheegeen in nabaddu ay xirmi karto haddii Somaliland ay ka laabato qodob muhiim ah — qodobkaas oo lagu sheegay inuu yahay midka ugu culus ee saameynaya nabadda u dhexeysa Laascaanood iyo Hargeysa.

Sanadkan, bartamaha bishii Abriil, maamulkii hore ee SSC–Khaatumo ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyey 25 maxbuus oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaasi oo lagu qabtay intii uu socday dagaalkii gobolka Sool ee 2023-kii ee dhexmaray labada dhinac.

Maamulkii xiligaas ayaa tallaabadan u qaaday si ay u muujiso, sida ay sheegeen, damqasho bani’aadanimo iyo garowshiiyo siyaasadeed, iyagoo ugu baaqay Somaliland in ay qaaddo tallaabo lamid ah, si loo abuuro jawi ku habboon nabad waarta iyo is-afgarad siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed