Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa faahfaahin dheerad ah ka bixiyey howlgal ay fuliyeen deegaanka Daniga Baaloow, hoos yimaada degmada Balcad, gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo sababay khasaare rayid intii ay ku jireen iska hor imaad culus oo dhexmaray iyaga iyo maleeshiyaad ah Alshabaab ah.
Danab ayaa sheegtay in inta lagu jiray howlgalka in kooxda Alshabaab, ay guryaha shacabka ka dhigteen gabaad si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada ammaanka.
Falkan ayaa sababay in rayid uu ku dhinto, sidoo kalena dhaawacyo ka soo gaaraan qaar kale oo shacab ah, kadib markii ay kooxda sida hadalka ay u dhigeen si ula kac ah u adeegsatay goobaha ay shacabka degan yihiin si ay u difaacaan naftooda, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Danab. Lama sheegin tirada rayidka waxyeelladu soo gaartay.
Sidoo kale, Taliska Danab ayaa ku celiyay in ciidamada ammaanku ay u taagan yihiin difaaaca shacabka, islamarkaana ay ka hortagaan waxay ugu yeereen dhagaraha “kooxaha khawaariijta ah” ee u soo maleega shacabka, iyaga oo guryahooda ka dhigta goobaha dagaalka si ay u huriyaan rabshado iyo dhibaato, sida hadalka loo dhigay.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo qorsheysan oo lagu doonayo in laga fogaado waxyeellada shacabweynaha, balse kooxda Alshabaab ay mararka qaarkood si ula kac ah u isticmaasho sida warka lagu sheegay in dadka rayidka ah sidii gacan hubaysan oo ay kaga hortagaan hawlgallada ammaanka.
Waxaa la soo jeediyay in bulshada ku nool deegaanada la beegsanayo ay taxaddar muujiyaan, isla markaana la wargeliyo maamulka deegaanka haddii ay jiraan arrimo halis ku ah amniga, si loo yareeyo khasaaraha shacabweynaha.
HBN ONLINE TV

