Dood Kulul oo Ka Dhalatay Da’da Qaangaarka iyo Xeerka Xabsiyada : Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Caddaaladda

Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta yeeshay fadhi adag oo dood kulul ka dhex dhalisay Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda, kadib markii la horgeeyay wax-ka-beddelka Xeerka Xabsiyada Puntland, gaar ahaan qodob la xiriira da’da qaangaarka sharciyeed ee qof lagu xukumi karo.

Intii lagu jiray fadhiga, xildhibaanno badan ayaa si adag uga horyimid soo jeedinta ah in da’da qaangaarka lagu saleeyo 18 sano, iyagoo ku dooday in arrintaasi aanay waafaqsanayn dhaqanka iyo diinta Islaamka, maadaama qaangaarku uu ku xirnaan karo xaalad qofeed iyo calaamado dabiici ah.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa dhankiisa ku adkeystay in “diintu meelna ku xaddidin da’da qaangaarka sida uu qabo”, balse 18 sano tahay “da’ si caalami ah loo aqoonsan yahay in qofku gaadho qaangaarnimo buuxda.”

Masuuliyiinta Wasaaraddu waxay xildhibaanada u soo jeediyeen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan isbeddellada lagu sameynayo xeerka, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in la waafajinayo Dastuurka Puntland iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Ugu dambayn, Golaha Wakiillada ayaa xeerka u gudbiyay Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, si ay u sameeyaan dib-u-eegis iyo akhrin labaad, ka hor inta aan la meelmarin.

Dooddan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu kulul ee dhowaan ka dhex dhaca Baarlamaanka Puntland, maadaama ay taabanayso arrin muran badan dhalisay oo ku saabsan fahamka diinta iyo xeerarka madaniga ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed