Faahfaahin: Dhacdo naxdin leh oo lagu dilay, laguna gubay qof rayid ah oo ka dhacday Shabeellaha hoose

Fal arxan darro ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Dudumaaye, oo ku yaalla bannaanka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo qof shacab ah loogu dilay si naxdin leh, kadibna lagula kacay gabood-fal ka dhan meydka marxuumka, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa oday waayeel ah oo dhimirka la’, kaasi oo dilkiisa lagu sababeeyay aano qabiil. Muuqaallo laga soo duubay dhacdada ayaa muujinaya dad badan oo rag iyo dumar ah oo ku sugan goobta, kuwaas oo si foolxun ula dhaqmaya meydka ninka la dilay — arrin si weyn uga naxsatay bulshada deegaanka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in falkaasi uu qayb ka yahay colaad beeleedyo dhowaan dib uga soo cusboonaaday degmooyinka Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, lana dilay caruur, haween iyo waayeel, iyadoo xaaladdu ay kasii dareyso.

Illaa hadda, maamulka degmada Wanlaweyn iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin dhacdadan argagaxa leh, waxaana bulshada deegaanka ay ku eedeeyeen masuuliyiinta amniga iyo maamulka inay ka gaabiyeen wax ka qabashada dagaallada beelaha oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay.

Dadka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka digay in haddii xaaladdan la iska daayo, ay ka dhalan karto fawdo iyo amni darro baahsan, taas oo wiiqi karta awoodda maamulka Koonfur Galbeed ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhacdadan Dudumaaye waa mid ka mid ah kuwii ugu argagaxa badnaa ee sannadkan laga soo wariyay Soomaaliya — ma aha oo kaliya dil toos ah, balse waxaa ku jiray falal foolxun iyo xad-gudub ka dhan ah ixtiraamka meydka, taasoo ka dhigaysa mid si gaar ah u xanuun badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed