Dagaalkii Afgaanistaan & Pakistan oo laga cabsi qabo inuu dib u bilowdo

Waxaa soo korortay cabsi weyn oo la xiriirta inay dib u bilowdaan dagaaladii u dhaxeeyay labada dal ee dariska ah ee Afghanistan iyo Pakistan ka dib markii ay ka dhawaaqeen in wadaxaajoodyadii nabadeed ee u dhexeeyay wafdiyadooda ee ka socday magaalada Istanbul ee Turkiga ay ku dhammaadeen fashil, iyagoo xaqiijiyay in wareeggii saddexaad ee wadaxaajoodyada, oo billowday Khamiistii, aysan wax natiijo ah ka soo bixin.

Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in wadaxaajoodyadu ay gaareen meel ay gebi ahaanba istaageen, isagoo faahfaahiyay in wafdiga Afghanistan & wafdigooda Pakistaan ay ku heshiyeen dhowr qodob oo la xiriira Pakistan, balse Afgaanistiiniyiintu aysan diyaar u ahayn inay saxiixaan heshiis qoraal ah.

Asif ayaa carrabka ku adkeeyay in Pakistan aysan aqbaleyn heshiis rasmi ah oo aan qoraal ku qornayn, isagoo ku eedeeyay wafdiga Afghanistan ay doonayeen inay bixiyaan damaanad-qaad hadal oo kaliya “laakiin arrintaasi aysan mid suurtoobi karta marka laga hadal wada-hadallo caalami ah.”

War uu ku qoray baraha bulshada, Afhayeenka Dowladda Afghanistan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in “dhinaca Pakistan uu isku dayay inuu mas’uuliyad buuxda oo la xiriirta amnigooda dusha ka saaro dowladda Afghanistan, iyadoo aysan jirin wax diyaar u ah inay iyaguna qaadaan mas’uuliyad amni oo ku aaddan Afghanistan.”

Zabihullah ayaa intaasi ku daray waa sida hadalka uu u dhigaye in “dabeecadda aan masuuliyadda lahayn ee wafdiga Pakistan aysan keenin wax natiijo ah, inkastoo daacadnimo ay muujiyeen Imaaraadka Islaamiga Afghanistan iyo dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha.”

Goor sii horreysay, Wasiirka Warfaafinta Pakistan Attaullah Tarar ayaa sidoo kale soo jeediyay in wadaxaajoodyadu ay fashilmeen, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyadda Kabul inay ka gutaan ballanqaadyadii dagaalka ka dhanka ah wax uu ugu yeeray argagixisada ee ku jiray heshiiskii nabadeed ee Doha ee 2021, “taas oo ay ku guul darreysteen ilaa hadda.”

Geesta kale, Wasiirka Xuduudaha iyo Arrimaha Qabiilooyinka Afghanistan Noorullah Noori ayaa ku hanjabay inay dhici karaan “Iska horimaadyo toos ah” haddii Islamabad ay sii waddo hanjabaadaha ka dambeeyay burburka wadahadallada nabadeed, sida maanta uu daabacay wargeyska Khama Press ee Afghanistan.

Noori ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota Pakistan, isaga oo uga digay inay dhayalsato adkeysiga Afghanistan ama ay ku tiirsanaato awood ciidan, wuxuuna ku yiri inay “ka barato” wixii ku dhacay Maraykanka iyo Ruushka ee ku fashilmay dagaalkii Afghanistan.

Hadalka Noori ayaa yimid kadib digniin uu soo jeediyay Khawaja Asif oo sheegay in Islamabad ay geli karto dagaal furan haddii Kabul ka gaabiso inay joojiso weerarrada ka imanaya dhanka Taalibaanada Pakistan ee xuduudka ka gudba.

Laba dal ayaa Khamiistii wada-hadallo ku yeeshay Istanbul iyagoo isku dayaya inay soo gabagabeeyaan heshiis xabbad-joojin ah oo lagu gaaray Qatar 19-kii Oktoobar, kadib markii ay dhaceen dagaalladii ugu dhimashada badnaa ee ka dhexeeya labada daris ee Koonfurta Aasiya tan iyo markii Taliban ay dib ugu soo laabatay awoodda sanadkii 2021.
Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta xuduudda Shaman ee Koonfur-galbeed Pakistan, inkastoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas habeenkii Khamiista, iyagoo midba midka kale ku eedeeyay jebinta heshiiska xabbad-joojinta.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed