Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyey Markab shidaal oo burcad badeed ku weerartay xeebaha Soomaaliya

Ciidamada badda ee Midowga Yurub (EU Naval Forces) ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan 24 shaqaale oo saarnaa markab shidaal oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, kaas oo wata calanka Malta, kaddib markii ay weerareen burcad-badeed Soomaali ah meel u dhow xeebaha dalka.

Markabka oo siday shidaal, kana soo ambabaxay Hindiya, ayaa sii jeeday Koonfur Afrika ka hor inta la weerarin maalintii Khamiista ee todobaadkii hore, xilli burcad-badeedku rasaas culus oo qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka RPG-da ah ku furin Markabka, taasi oo suurtagalisay in buuxda gacanta ugu dhigaan.

Shaqaalihii saarnaa markabka ayaa markiiba isugu ururay qol difaac ah oo si gaar ah loogu talagalay xaaladaha noocan oo kale ah, halkaas oo ay ku go’doonsanaayeen xilli burcadda ay markabka maamulkiisa la wareegeen.

Subaxnimadii Jimcaha ayaa markabka dagaalka ee ESPS Victoria oo hoos taga howlgalka Midowga Yurub ee ka dhanka ah burcad-badeedda Atalanta — gaaray goobta. Ciidamo khaas ah ayaa markabkaas ka degay, waxayna xaqiijiyeen in dhammaan 24-kii shaqaale ay badqabaan oo aanay wax dhaawac ah soo gaarin.

“Shaqaaluhu waa nabad qabaan, dhaawacna lama soo sheegin. Intii ay dhacdadu socotay waxay ku jireen qol difaaca, iyagoo xiriir toos ah la lahaa howlgalka Atalanta,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay midowga Yurub

Bayaanka ayaa intaas ku daray in “bandhig dhoola tus sare” uu sababay in burcad-badeeddu ay isaga baxaan markabka ka hor inta aysan ciidamadu gaarin goobta.

Howlgalka badbaadinta waxaa qayb ka ahaa diyaarad qumaatiga u kaca (helicopter), drone, iyo diyaarad kormeer ah, taas oo ka qaybqaadatay raadinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda.

Saacado ka hor intaan weerarkaasi dhicin, markab kale oo marayey isla aaggaas ayaa si dirqi ah uga baxsaday doon yar oo la tuhunsanaa inay burcad-badeed ahaayeen.

Weerarkan ayaa noqday kii ugu dambeeyay taxane weerarro ah oo cabsi geliyay badmareennada iyo shirkadaha maraakiibta, iyadoo mar kale la dareemayo in ay soo laba kacleeyeen falalka burcad-badeednimo ee xeebaha Soomaaliya.

Ficillada burcad-badeedda ayaa hoos u dhacay sannadihii la soo dhaafay, tan iyo markii la hirgeliyey daba-gal caalami ah iyo kormeer joogto ah oo ay sameeyaan ciidamada badda ee caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, khatar cusub ayaa soo korortay, maadaama weerarrada xoogagga Xuutiyiinta ee Yemen ee maraakiibta maraysa Badda Cas ay sababeen in maraakiib badan ay u leexdaan dhinaca Badweynta Hindiya ee bariga Afrika, taas oo fursad cusub siisay kooxaha burcad-badeedda Soomaaliyeed.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caalamiga ah ee Dambiyada Badda (International Maritime Bureau), sanadkii hore ayaa la diiwaangeliyay 7 dhacdo oo burcad-badeednimo ah oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jireen 3 kiis oo afduub ah. Sanadkii 2023, hal dhacdo oo kaliya ayaa la soo sheegay.

HBNO ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed