Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhacay gobolka Baay ku dilay dagaalyahanno badan oo Al-Shabaab ah, oo ay ku jiraan laba horjooge sare oo uu ku jiray xubin lagu sheegay Abuu Khaalid (Yaxye), iyo xubno kale.
Howlgallada ayaa laga fuliyay tuulooyinka Buul Dooro, Kor Ing Roogi, Dhambalka, iyo Buur Rooring ee hoos taga degmada Deynuunay, halkaas oo ciidanku sheegeen in lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo kooxda lahayd.
Taliyaha Guutada 8aad ee Qeybta 60aad, Gaashaanle Cali Maxamed Aadan (Cali Adoow), ayaa sheegay in howlgalladani ay qayb ka yihiin ololaha ballaaran ee dowladda Federaalka ku doonayso in dalka laga ciribtiro Alshabaab, gaar ahaan gobolka Baay.
Dilka horjoogayaasha ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay bilowday wejigii labaad ee howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, kuwaas oo diiradda lagu saarayo burburinta xarumaha kooxda iyo xoreynta deegaanadii ay weli ku dhuumaaleysanayaan.
HBN ONLINE TV

