Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeynta dowladda federaalka ee duullimaadyada Boosaaso iyo Suudaan

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal uu dhowaan jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo sheegay in diyaarado ka duula garoonka Boosaaso ay u qaadaan “wax aan la cayimin” dalka Suudaan, halkaasi oo uu ka socdo dagaal aad u adag.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la hadlay BBC Soomaali, ayaa sheegay in eedeyntaasi tahay “hadal meel ka dhac ah oo masuuliyad darro ah,” isagoo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toonna lahayn.

“Hadalkaasi waa hadal masuuliyad darro ah, wuxuuna ceebeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Waan beeninaynaa. Waa war been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Puntland iyo Soomaaliya xuduud lama laha Suudaan, dalal badan ayaa u dhexeeya. Haddii dalal sida Turkiga, Masar iyo Imaaraadka ay isku hayaan Suudaan dhexdeeda, Puntland arrintaas wax xiriir ah kuma laha,” ayuu yidhi Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymaha sheegaya in Imaaraadka Carabtu ay saldhig ciidan ku leeyihiin gudaha Puntland, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan jirin.

“Puntland waxa jooga ciidammo ay Imaaraadku taageeraan, balse saldhigyo gaar ah oo ay leeyihiin ma jiraan. Ciidammo Imaaraad ahna ma joogaan, mana maamulaan garoomo diyaaradeed. In wasiirka uu yidhaahdo diyaaradaha wax duqeynaya annagaa maamulna iyo isla wasiirka oo yidhaahda diyaarado aan la aqoon waxa ay sidaan baa kacaya, labadaas hadal isma waafaqayaan,” ayuu raaciyay wasiir Dirir.

Wuxuu intaas ku daray in aanay Puntland marnaba noqon meel laga dhoofiyo calooshood-u-shaqaystayaal ama ay xiriir la leedahay dhinacyada dagaalka ka socda dalka Suudaan.
“Puntland calooshood-u-shaqaystayaal laga ma dhoofiyo, mana soo maraan. Xidhiidhna lama laha,” ayuu yidhi wasiirku.

Eedeyntan ayaa timid kadib markii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu Talaadadii hortagay Aqalka Sare si uu uga warbixiyo xaaladda amniga dalka. Intii uu hadlayay, wasiirku wuxuu markii ugu horreysay qirtay in “diyaarado ka duula garoonka Boosaaso ay wax geeyaan dhanka Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan,” balse sheegay in aan la garanayn waxa ay sidaan.

“Waxaan ka qiraynaa dadka Soomaaliyeed iyo senatarrada hortooda, in diyaarado meeshaas ka duula ay Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan wax geeyaan. Maxay geeyaan oo ay qaadaan? Ma garanayno annagu. Taasi waxay u baahan tahay in la xaqiijiyo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirku sidoo kale wuxuu ka hadlay wararka la xidhiidha in dagaalyahanno calooshood-u-shaqaystayaal ah oo u dhashay Kolombiya laga dhoofiyay Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintaasi weli u baahan tahay caddeyn rasmi ah.

Waxaa xusid mudan in bishii Oktoobar warbixin ay si wadajir ah u daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta Bariga Dhexe & tan reer Galbeedka ay ku sheegeen in dagaalyahanno Kolombiyaan ah oo loo dirayay Suudaan laga dhoofiyay magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Ugu dambayn, Wasiir Fiqi wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya aysan oggolaan karin in dhulkeeda loo adeegsado dhibaato lagu gaadhsiiyo dalal Muslimiin ah, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid khatar ku ah sumcadda iyo danaha dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed