Dagaal xooggan oo khasaare dhimasho & dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceel Barakallah ee buuraha Cal Miskaad.
Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Puntland & maleeshiyaadka Daacish iyaa ciidamada Puntland waxaa u suurtagashay inay ku qabsadaan Godka Xarga-dheere oo ku yaal afaafka hore ee Ceelka Barakallah ee buuraha Cal Miskaad
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa u sheegay HBN Online TV in dhanka ciidamada Puntland dagaalka ay uga dhinteen 6 askari halka ay ku dhaawacmeen 10.
Ciidamada geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka tirsanaa ciidanka 21-aad ee Jeneraal xanaano, waxaana saraakiishu sheegeen in askarta qaarkood ku dhinteen qarax miino oo loo dhigay gaari ay ku socdeen oo ka dhacay deegaanka Dhadaar.
Horay, ciidamada Puntland ayaa sidaan oo kale waxay Miinooyin soo boodo ah ugu waayeen askar iyo saraakiil ciidan.
HBN Online TV

