Kulan gaar ah oo maanta ku dhexmaray Muqdisho masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM ayaa looga hadlay xaaladaha amni, la dagaalkan waxa loogu yeero aragixisada iyo sida loo sugi lahaa amniga goobaha laga qabsado kooxda Alshabaab.
Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ( Cali Balad) ayaa kulan ay yeesheen waxaa diiradda lagu saaray howlaha iyo waajibaadka howlgalka AUSSOM, isuduwidda hawlgallada amniga ee wadajirka ah, iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Alshabaab.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya DFS & Midowga Afrika, si loo dardargeliyo ajandaha nabadda iyo amniga ee ay Soomaaliya hoggaaminayso.
Ergeyga Midowga Afrika, Amb. Diene, ayaa sheegay in AUSSOM iyo Midowga Afrika ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ammaanka, xasilinta iyo dhismaha hay’adaha amniga.
Dhankiisa, Wasiir Cali Balad ayaa xoojiyay sida ay DFS uga go’an tahay in ay sii ballaariso wada-shaqeynta iyo taageerada Midowga Afrika, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta oo ka hana qaada guud ahaan dalka.
Kulankoodu wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Ciidamada xoogga oo garabka ka helaya kuwa AUSSOM ay bilihii la soo dhaafay ay hormar muuqda ka sameeyeen dagaallo Alshabaab looga saaray deegaanno dhowr ah, sida Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
HBN ONLINE TV

