Puntland oo garoowe ka bilowday howlgallo lagu beegsanayo hubka sharci darada ah

Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu Garoowe ka bilaamay howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida, ilaalinta sharciga, iyo amniga guud ee bulshada, iyadoo xogta lagu sheegay in magaalada la fulinayo howlo hubka sharci daradaha looga hortagayo.

Taliska booliska ayaa sheegay in hawlgalladan ay qeyb ka yihiin qorshe istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo amniga gudaha, isla markaana lagu bartilmaameedsanayo hubka sharci-darrada ah, falalka amni-darrada, iyo dhaq-dhaqaaqyada lidka ku ah nabadda iyo kala dambeynta.

Booliska Puntland ayaa digniin adag u diray qof kasta oo hub sharci-darro ah ku dhex qaata magaalooyinka, kuwa wata gaadiid aan taariko lahayn ama aan diiwaangelin rasmi ah heysan, dadka isticmaala, iibiyo, ama ku lug yeesha maandooriyeyaasha iyo kuwa isku ekeysiiya ciidan ama si sharci-darro ah u adeegsada dharka iyo astaamaha ciidamada.

Taliska booliska ayaa ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo khatar ku ah amniga bulshada ama carqalad ku keenta howlaha socda ee lagu sugayo nabadgelyada.

Shacabka Puntland ayaa lagu booriyay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta xasilloonida iyo dawladnimada.

Booliska ayaa ku soo gabagabeeyay warka isagoo xusay in amniga Puntland uu yahay masuuliyad qaran iyo mid bulsho oo wadajir ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed