Hay’adda MTCOS ee hawlaha ganacsiga badda ee Britain laga leeyahay ayaa sheegtay in ay heshay warbixin ku saabsan isku day lagu doonayay in lagu afduubo markab ganacsi oo marayay biyaha ku dhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Bayaanka hay’adda ayaa lagu sheegay in afar qof oo aan la aqoonsan ay isku dayeen inay fuulaan markabka, balse shaqaalaha markabka ayaa ka hortagay weerarkaasi, iyagoo dhammaantood badqab ah isla markaana sii watay safarkoodii ku wajahnaa deked kale.
“Dhammaan shaqaalihii markabka waa badqabaan, markabkuna wuxuu sii watay safarkiisii ku wajahnaa dekedda xigta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda MTCOS.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in dowladaha iyo hay’adaha amniga ay quseeyso inay bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadan, iyadoo ku boorisay maraakiibta ganacsiga inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah marka ay marayaan biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya.
Inkasta oo Hay’adda MTCOS aysan si rasmi ah u sheegin in weerarkani la xiriiray falal burcad-badeednimo, haddana dhacdadan ayaa timid xilli weerarrada noocan oo kale ah ay hoos u dhaceen tan iyo sanadkii 2011, markii la bilaabay kormeerro caalami ah oo badda lagu sameeyo, lana dhisay ciidamada ilaalada xeebaha iyo markabyo ganacsi oo wata ciidamo ilaalo hubeysan.
HBN ONLINE TV

