Wasaaradda Duulista hawada Somaliland ayaa diyaaradaha Caalamiga ah ee adeegsada hawadeeda ku amartay in ay helaan ogolaansho dhinaca Somaliland ka hor inta aanay soo gelin hawada Somaliland.
Amarkan ayaa dhaqan gal noqonaya laga bilaabo 10-ka bishan aynu ku jirno ee November. Waxana diyaarad walba laga doonayaa sida war saxaafadeedka ku qoran in ay xogteeda la soo wadaagto Haayadda Hawada sare iyo garoomada Somaliland si loo ilaaliyo bed qabkeeda inta ay hawada ku jirto.
Ujeedada amarkan waa in la hubiyo sida hadalka loo dhigay duulimaadyo ammaan ah, habaysan, isla markaana waafaqsan talooyinka ICAO, iyo in la xoojiyo adeegyada maamulka hawada, saadaasha hawada, iyo howlaha gurmadka degdegga ah ee garoomada Cigaal Hargeysa iyo Berbera.
Diyaarad kasta oo aan ogolaansho haysan waxaa laga qaadi doonaa sida warka lagu sheegay tallaabo sharci ah iyadoo la raacayo xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee duulista.
“Duulimaad kasta oo aan ogolaansho hore haysan wuxuu noqonayaa jebin madax-bannaanida Somaliland, waxaana laga qaadi karaa tallaabo sharci ah iyadoo la raacayo xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee duulista” ayaa lagu yiri warka wasaaradda, inkasta oo aan la sheegin talaabada la qaadayo nuuca ay tahay.
Sidoo kale, War saxaafadeedka Wasaaradda oo amar ah ayaa waajibinaya in dhammaan diyaaradaha rayidka ah — kuwa jadwalka leh, kuwa aan laheyn, ganacsiga iyo kuwa guud — ay helaan ogolaansho hore, ka hor inta aysan soo gelin, dhex marin, ama ka shaqaynin hawada Somaliland.
Amarkan ayaa wasaaraddu u cuskatay in lagu salaynayo heshiiska Duulista Rayidka Caalamiga ah (Chicago Convention, 1944-tii), taasi oo ay shegtay in waa sida hadalka loo dhigaye Somaliland leedahay xuquuq buuxda iyo madaxbannaani dhuleed.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay guud ahaan dalka ka hirgelisay adeegga E-Visa, oo ah nidaamka hubinta iyo oggolaanshaha safarka ka hor inta aan la duulin.
Arrintan ayaa si weyn uga careysiisay Somaliland, oo si adag uga soo horjeestay, taas oo dhalisay su’aalo badan iyo dood siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka Hargeysa iyo dowladda Federaalka.
Waxaa xusid mudan sida ay qabto hay’adda caalamiga ah ee ICAO ee duulimaadka in hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay muumusho hay’adda duuliska hawada ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

