Ciidamada Kenya oo war kasoo saaray doon Imaaraadka u socotay oo dab qabsaday xeebaha Koonfurta Soomaaliya

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Xasilinta Soomaaliya AUSSOM ayaa war ka soo saaray shil dab ku qabsaday xeebaha Kismaayo doon ganacsi oo u socotay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta 29-kii bishaan Oktoobar 2025, xili ay ka shiraacdeen deegaanada Jubbaland.

Qoraalka Ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada Special Boat Unit (SBU) ee ku sugan dekedda Kismaayo ay ka jawaabeen baaq gargaar degdeg ah, isla markaana ay ku guuleysteen badbaadinta 16 shaqaale oo saarnaa doonta lagu magacaabo MSV FAZLERABBI, taas oo ku gubatay meel qiyaastii 9 kiiloomitir waqooyi-bari ka xigta dekedda Kismaayo.

Ciidamada ayaa tilmaamay in howlgalkaasi lagu sameeyay iskaashi dhow oo lala yeeshay doonyo maxalli ah, waxaana dadka la badbaadiyey loo gudbiyay Maamulka Dekedda Kismaayo si loo siiyo daryeel iyo gargaar caafimaad.

War-saxaafadeedka lagu faafiyay bogagga rasmiga ah ee ciidamada Kenya ayaa lagu ammaanay ciidamada badda ee AUSSOM, iyadoo lagu xusay in arrintani ay muujinayso sida ay uga go’an tahay ilaalinta nolosha dadka iyo xasillinta badda Soomaaliya

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed