Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku dhawaaqay in uu kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Puntland, kadib wareegto rasmi ah oo uu soo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 28-da Oktoobar 2025.
Wareegtada Madaxweynaha oo lambarkeedu yahay Xeer Madaxweyne Lr. 09/2025, ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu kala diray Maxkamaddan uu yimid kadib cabashooyin isdaba joog ah oo shacabka rayidka ahi ay soo gaarsiiyeen Madaxweynaha, kuwaas oo ku saabsan caddaalad-darro iyo eedeymo ku aaddan garsoorka maxkamadda.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweyne Deni uu tixgeliyey baahida dib-u-habeyn ee ka jirta Guddoonka iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada iyo Dambiyada Culus, si loo hubiyo nidaam cadaalad ah oo daahfuran.
“Waxaa la kala diray Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada Puntland.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Go’aannada la xiriira dambiyada culus ay si ku-meelgaar ah u maamuli doonto Maxkamadaha Racfaanka ee Puntland, ilaa dib loo dhiso Maxkamad cusub.
Saraakiishii hore ee garsoorka ayaa lagu amray inay dib ugu laabtaan talisyadoodii hore.
Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Puntland uu ku doonayo dib-u-habeyn dhanka garsoorka ah, iyadoo la filayo in isbeddello kale oo lagu sameeyo hay’adaha dowladda ay dhawaan soo baxaan.
HBN ONLINE TV

