Somaliland oo u muuqata in aysan ku qanacsanayn in dadka u safraya dhulkooda la waydiiyo dalku galka E-visa ayaa sheegtay in ay weli ku hawlan tahay xal u raadinta cabasho muddooyinkii u dambeeyey ay muujinayeen qaar ka mid ah dadka reer deegaanadeeda ee sita baasaaboorada ajaanibka ah ee ka soo noqonaya qurbaha, kuwaas oo nidaamka Soomaaliya uu saameeyey.
Wasiirka Duulista hawadu Somaliland ayaa sheegay in ay qaadeen taalaabooyin ay xal ugu raadinayaan cabashada ka timid dadka safraya qaarkood. Wuxuu carababaay inay caalamka iyo gobolka la wadaageen aragtidooda ay qabaan.
“Waxaanu warqado aanu mowqifkayga ku cadaynayno u dirnay Qaramada Midoobay, ICAO, Mareykanka, Taiwan, Itoobiya, midowga Yurub iyo Midowga Afrika. Waxa kale oo noo socda arrimo sharci oo aan ku doonayno in aan kaga baxno wada hadallada hore ee Soomaaliya lala furay,” ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale, wuxuu ilduuf ku tilmaamay heshiiskii lagu soo wareejiyay hawada Soomaaliya. “Dadka reer Somaliland waxaan u sheegaynaa marka arrimaha noocan oo kale ahi socdaan, waa arrimo farsamo oo u baahan shuruuc iyo nidaam sharci oo la maro, taxadirkoodana u baahan,” ayuu u sheegay warbaahinta.
Dhinaca kale war-saxaafaddeed Wasaaradda Duulista Hawada ay soo saartay toddobaadkii hore ayey ku sheegtay in ay diyaaraddaha yimaada Somaliland waayi doonaan ogolaansha Isticmaalka madaaradda Somaliland ay hadii ay u hugaansami waayaan awaamiirtooda.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray muran ku salaysan maamulka hawada sanadkii 2024 ka. Murankaas ayaa ka dhashay kadib markii diyaaradda Itoobiya ay u hoggaansami waysay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Intaas ka dib ayaa waxaa xigay diyaarado laga celiyay hawada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

