Dowladda Soomaaliya ayaa xog faahfaahsan ka bixisay duqeyn qorshaysan oo lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, taas oo ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe. Ninka la dilay ayaa la tilmaamay inuu ka mid ahaa kooxaha dadkii wax ka lahaa aragtida aas aaska kooxda.
Duqeynta ayaa lagu dilay Maxamuud Cabdi Xaamud, oo loo yaqaanay Jacfar Gurey, ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah aasaasayaashii Alshabaab, isla markaana uu xiriir dhow la lahaa hoggaamiyayaashii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye (Abuu Cabeyda).
Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Jacfar Gurey uu muddo dheer ka mid ahaa maskaxdii qorsheynta weerarrada iyo dilalka qorshaysan ee kooxda Alshabaab, isagoo hore u soo qabtay xilal kala duwan sida: Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Alshabaab, iyo Madaxa Dabagalka.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ninkan uu door muhiim ah ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee ururka Alshabaab, isaga oo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay sida hadalka loo dhigay shirkad Itoobiyaan ah, taas oo uu la wadaagay Axmed Cabdi Godane, si loogu maalgeliyo aasaaska kooxda.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in duqeyntan ay ahayd mid qorshaysan oo si sax ah loo bartilmaameedsaday, isla markaana ay ka tarjumayso hannaanka iskaashi ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku wajahan la dagaallanka kooxaha ay ugu yeerto “Khawaarijta” oo ay ula jeedo Alshabaab.
Ugu dambayn, Dowladda Soomaaliya ayaa ku celisay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, si dalka looga xoreeyo sida hadalka ay u dhigtay kooxaha argagixisada, loona xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

