Maxay salka ku haysaa eedeymaha culus ee xisbiga Kulmiye u jeediyeen Madaxweynaha Somaliland?

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro), isagoo ku dhaliilay in xukuumaddiisu aanay la iman qorshayaal cad oo lagu difaacayo sida uu yiri “madaxbannaanida” Somaliland ka dib go’aannada dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira hawada iyo nidaamka elektarooniga ah ee loo yaqaan e-visa.

Kulmiye ayaa sheegay in xukuumadda Cirro ay ka gaabisay difaacidda madaxbannaanida Somaliland, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu ilaaliyo sumcadda Somaliland.

Xisbiga ayaa soo jeediyay in la hirgeliyo nidaam e-visa gaar ah oo Somaliland leedahay, lana dhiso guddi isku dhaf ah oo mideeya hawlaha laamaha xukuumadda ee qaabilsan socdaalka, iyo in la furo khad caawineed iyo website rasmi ah oo dadka socdaalaya ka caawinaya hagista iyo taageerada safarrada.

Sidoo kale, Kulmiye ayaa ku adkeeyay in la diyaariyo hage socdaal oo ku qoran luqadaha Soomaaliga, Ingiriisiga iyo Carabiga, loona wargeliyo hay’adaha caalamiga ah sida IATA iyo ICAO siyaasadda fiisaha Somaliland, si loo xaqiijiyo in dadka socdaalaya aysan ku khaldamin nidaamka Soomaaliya.

Soo jeedimahaan kasoo yeeray madaxdii hore ee Somaliland wuxuu kusoo aadayaa, xili ay meel xasaasi ah taagan tahay arinta socdaalka oo Somaliland u aragto mid dhaawac ku ah hamigeeda aqoonsi — halka madaxweyne Cirro uu soo hadal qaaday in loo baahan yahay in dib u eegis ay u baahanyihiin waxyaabaha ka dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo weli aan helin xal sida uu hadalka u dhigay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed