Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalka qorsheysan oo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa xalay fuliyeen deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan shan dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Lahelay iyo Dhaban-dhulkuheys, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad Alshabaab ah oo halkaas ku dhuumaaleysanayay, sida ay sheegtay Galmudug.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la dhaawacay horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga Ceelgaras, taasoo ay sheegeen inay tahay guul muhiim ah oo ciidamada ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagixisada ah. Waxaa sidoo kale lagu qabtay hub iyo agab milatari oo ay ka tageen dagaalyahannadii Alshabaab markii ay goobihii dagaalka ka carareen.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Cali Maxamuud Faarax (Seeko) oo faahfaahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay weli ku sugan yihiin goobihii ay ku dagaallameen iyaga iyo Alshabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan hawlgallada ilaa laga sugo amniga guud ee gobolka, isaga oo ku andacooday in xubno si dirqi ah kaga baxdasadeen goobta iyagoo wata dhaawacyo.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay weli ka socdaan tuulooyin ku dhow Ceelgaras, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo in Alshabaab aysan dib ugu soo laaban meelihii ay hore ugu dhuumaaleysan jireen.
Taliska ciidamada Galmudug ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dagaalka guud ee dalka looga xoreynayo kooxaha loogu yeero argagixisada ah, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa deegaannada dhexe laga xaqiijiyo xasillooni iyo nabad waarta. Dowladda ayaa ugu baaqday shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo sugo nabadda iyo xasiloonida Galmudug.
HBN ONLINE TV