Muqdisho oo laba qayb loo kala qaybiyay Maxayse tahay sababtu?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin horumarinta hannaanka doorashooyinka, maamulka dawladaha hoose, iyo ansixinta sharciyo iyo heshiisyo heer qaran ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Golaha uga warbixiyey diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee dalka, gaar ahaan marxaladda diiwaan-gelinta codbixiyayaasha Gobolka Banaadir. Guddigu waxay sheegeen in doorashada Golaha Deegaanka ee Muqdisho lagu qaban doono 30-ka bisha Nofeembar 2025.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku saabsan darajooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka A-da waxaa loo aqoonsaday 9 degmo oo kala Hodan, Yaaqshiid, Deyniile, Kaaraan, Dharkeenley, Wadajir, Warta-Nabadda, Heliwaa iyo Howl-wadaag, halka degmooyinka B-da ay yihiin 7 oo kala ah Waaberi, Shibis, Xamar-jajab, Boondheere, Xamar-weyne, Cabdicasiis iyo Shangaani.

Intaas waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey afar xeer oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: Xeer nidaamiyaha Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istaraatiijiyadda, Hindise-sharciyeedka Sharciga Booliska Soomaaliyeed, Heshiiska Ilaalinta iyo Isticmaalka Wabiyada, Xudduudaha Dhaaftan iyo Harooyinka Caalamiga ah & Xeer-nidaamiyaha dhismaha Shirkadaha Kalluumeysiga Qaranka.

Golaha Wasiirrada ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay hirgelinta sharciyadan iyo qorshayaasha doorashooyinka si loo xaqiijiyo maamul hufan oo waafaqsan sharciga dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed