Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato inay maanta riday dhowr gantaal oo kuwa ridadda gaaban gaar ahaan nooca ballistic missiles, iyadoo uu toddobaadka dambe magaalada Gyeongju ee Kuuriyada Koonfureed uu ka dhici doono shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya-Baasifigga (APEC).
Taliska Guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa bayaan ku sheegay in la ogaaday dhowr gantaal oo loo maleynayo inay yihiin gantaallo ballistic ah oo laga tuuray meel u dhow caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang, kuwaas oo ku jihaysnaa dhanka waqooyi-bari.
Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay dareemeen dhaq-dhaqaaqyo hordhac u ah ridista gantaallada, kadibna ay raad raaceen markii la tuuray, kuwaas oo duulay qiyaastii 350 kiiloomitir. Sarkaal ciidan ayaa sheegay in gantaalladu u muuqdaan kuwo ku habsaday meel dhulka hoostiisa ah.
Tani waa markii ugu horraysay ee Pyongyang rido gantaallo ballistic ah tan iyo bishii May, taasoo jebinaysa mamnuucidda caalamiga ah ee horumarinta hubka noocan ah, tilaabadaasi oo ay taageerayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Sidoo kale waa tijaabadii ugu horraysay ee gantaal ballistic ah ee Pyongyang sameyso tan iyo markii Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae-myung loo caleemo saaray xilka bishii June, isagoo ku dhawaaqay inuu doonayo inuu hagaajiyo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa Maraykanka Donald Trump inta lagu guda jiro shirweynaha APEC ee lagu qabanayo Kuuriyada Koonfureed 31-ka Oktoobar ilaa 1-da Novembar.
Kuuriyada Waqooyi oo ku hubaysan nukliyeer ayaa si joogto ah u horumarinaysay awooddeeda gantaallada tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo iska indhatirtay cunaqabatayno badan oo Qaramada Midoobay saartay, waxayna ay tijaabisay gantaallo ballistic ah oo masaafo dheer oo haddii si gaar ah loo tuuro gaari kara dhulka Maraykanka.
Trump ayaa muujiyay rajo uu ku doonayo inuu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, sanadkaan gudihiisa, kaddib markii uu hore ula kulmay dhowr jeer intii lagu jiray muddo xilleedkiisii hore, halka Kim Jong-un uu isna sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo xiriirka Maraykanka haddii Washington ka tanaasusho fikradda ah in dalkiisa laga dhigo mid aan haysan hubka nukliyeerka.
HBN Online TV