Maxaan kala soconaa liiska golaha wasiiradda cusub ee Waqooyi Bari?

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa soo magacaabay Golihiisa Wasiirrada cusub oo ka kooban 21 xubnood, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Golaha Wasiirrada cusub ayaa ah mid ay ku jiraan hal haweenay iyo xubno horey uga tirsanaa maamulka Puntland, kuwaas oo hadda ku biiray maamulka Waqooyi Bari. Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabistu tahay mid lagu dhisayo xukuumad mideysan oo ka tarjumeysa baahida bulshada iyo dardargelinta howlaha horyaalla maamulka.

Sidoo kale, Madaxweyne Firdhiye ayaa dib u soo celiyay qaar ka mid ah wasiirradii hore ee maamulkii SSC-Khaatumo, isagoo sheegay in la doonayo in la helo xukuumad isku dhafan oo waafaqsan danaha guud ee bulshada.

Weli lama magacaabin wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha maamulka, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo wakhtiyada soo socda. Ka hor magacaabista, Madaxweyne Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Abwaan ayaa isku khilaafay saami qaybsiga golaha wasiirrada, hase yeeshee markii dambe xal laga gaaray.

Waxaa lagu wadaa in lagu dhaariyo wasiirrada cusub oo intooda badan ku sugan magaalada Laascaanood fadhiga Baarlamaanka.

Liiska Golaha Wasiirrada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya:

1. Yuusuf Maxamed Cali – Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka

2. Axmed Cali Yakhle – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

3. Cabdiqani Xuseen Hiiraad – Wasiirka Maaliyadda

4. Dr. Aadan Jaamac Muuse – Wasiirka Caafimaadka

5. Cali Dhakaawe Warsame – Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah

6. Cabdiriisaaq Faarax Warsame – Wasiirka Amniga

7. Cabdi Xasan Maxamed – Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

8. Mustafe Cabdinaasir Cismaan – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

9. Daahir Cabdiriisaaq Axmed – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare

10. Ismaaciil Shiikh Saalax – Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

11. Saynab Cabdiraxmaan Calawaash – Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka

12. Siciid Maxamed Cabdiraxmaan – Wasiirka Deegaanka, Duruqjoogta iyo Isbeddelka Cimilada

13. Mahad Siciid Xasan – Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

14. Jaamac Faarax Muuse – Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib-u-dhiska

15. Axmed Cabdi Shire – Wasiirka Duulista Hawada

16. Cabdiwali Xuseen Maxamuud – Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga

17. Axmed Cabdiriisaaq Diiriye – Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda

18. Cabdikariin Maxamuud Cabdi – Wasiirka Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga

19. Maxamed Diiriye Faarax Shariif – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

20. Ibraahim Jaamac Raygal – Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha

21. Cabdiqaadir Maxamed Ducaale – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed