Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay xogtii ugu dambeysay ee diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay xogtii ugu dambeysay ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ee ka socota dalka, gaar ahaan gobolka Banaadir oo noqday kan ugu tirada badan ee dadku iska diiwaangeliyeen.

Warbixin uu soo saaray Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in gobolka Banaadir ay iska diiwaan geliyeen 923,220 qof, taas oo ah tiradii ugu badan ee laga diiwaan geliyo magaalada Muqdisho. Diiwaangelinta ayaa socotay muddo shan bilood ah, waxaana la qorsheynayaa in doorashadu ka dhacdo caasimadda bisha soo socota.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed, ayaa sheegay in diyaar-garowgii ugu dambeeyay uu socdo, isla markaana ururrada siyaasadeed loo fasaxayo inay bilaabaan ololeyaashooda doorashada. Wuxuu xusay in 4,330 qof lagu ogaaday inay laba jeer isku diiwaangeliyeen, kuwaas oo laga saaray liiska rasmiga ah ee codbixiyeyaasha, si loo hubiyo hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka.

“Agabku wuxuu qabtay intaasi oo tiro ah, dadkaasu ma ahan dadka heli doona kaararka codbixinta oo la daabici doono,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cali Yuusuf Xoosh, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in aysan faro galin ku samayn doorashada, isagoo carabka ku adkeeyay in ay tahay doorasho madax-bannaan oo lagu ilaalinayo kalsoonida shacabka.
“Dowladdu waxay xaqiijin doontaa in doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah, oo aanay jirin faro-galin siyaasadeed,” ayuu yiri wasiir Cali Xoosh.

Doorashadan ayaa dib uga dhacday jadwalkii hore ee la qorsheeyay dhammaadka bishaan October, kadib markii dib loo furay diiwaangelinta, Si kastaba ha ahaatee, weli maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale Madasha Samatabixinta Mucaaradka, ayaa diidan nidaamka cusub ee qof iyo cod, taas oo keentay dood siyaasadeed oo weli taagan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed