Soomaaliya oo dhoofinta xoolaha nool ee Khaliijka kaga hormartay Australia & Suudaan

Dhoofinta xoolaha nool ee Soomaaliya ayaa kor u kacday, iyadoo waddanku uu hadda ka faa’iideysanayo yaraanta tartanka dhoofka xoolaha ee Australia iyo Suudaan — labadaas waddan oo horey ugu weynaa suuqa xoolaha ee Khaliijka, isla markaana Soomaaliya tartan kala dhaxeeyay.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Xoolaha Soomaaliya ayaa muujineysa in dakhliga ka soo xarooda dhoofinta xoolaha uu ka kordhay $523 milyan sannadkii 2021, una sii kacay $974 milyan sannadkii la soo dhaafay, iyadoo la filayo in sanadkan uu dhaafo hal bilyan oo doollar.

Qaasim Cabdi Macallin, agaasimaha caafimaadka xoolaha ee wasaaradda, ayaa sheegay in laba arrimood oo waaweyn sabab u yihiin kororkaasi. “Suudaan, oo ahayd dal weyn oo xoolo dhoofi jiray, waxaa saameeyay dagaalka gudaha. Sidoo kale Australia, oo ahayd mid kale oo xoolo badan u dhoofin jirtay waddamada Khaliijka, waxay hoos u dhigtay dhoofinteeda,” ayuu yiri.

Isaga oo raaciyay: “Fursaddaas ayay Soomaaliya ka faa’iideysatay, taasoo sahashay in ay dhoofinteeda si weyn u kordhiso.”

Sidoo kale, goobta juquraafiyeed ee Soomaaliya oo si dhow ugu taalla suuqyada muhiimka ah ee Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa door muhiim ah ka ciyaartay guushan.

Intii u dhaxeysay 2021 ilaa 2024, Soomaaliya ayaa guud ahaan dhoofisay xoolo qiimahoodu dhan yahay $2.9 bilyan oo doollar, taasoo muujineysa in dalka uu dib ugu soo laabanayo kaalintii uu ku lahaa suuqyada xoolaha ee Bariga Dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed