Muxuu ku aadan yahay safarka Madaxweynaha Cirro ku tagay Itoobiya?

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Cirro iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Addis Ababa kulamo la yeelanaya madaxda ugu sarreysa Itoobiya, sida ay sheegtay warfaafinta madaxdtooyada Somaliland. Kulamadan ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga labada dhinac, kor u qaadidda ganacsiga iyo

Sidoo kale, Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka kooban masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin: Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, iyo Maalgashiga, Taliyaha Ciidanka iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Somaliland.

Dhinaca kale, safarkan ayaa imaanaya xilli Itoobiya ay waji gabax heer caalami ah kala kulantay heshiiskii muranka dhaliyay ee ay la gashay xukuumaddii hore ee madaxweyne Muuse Biixi billowgii sanadkii hore — heshiis ay dowladda Soomalaiya ay ku sheegtay inuu xadgudub ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida dalka, kaas oo Madaxweyne Cirro uu markii hore su’aalo adag dul dhigay intii uu ku jiray ololihiisa doorashada.

Goor sii horeysay, Xisbiga Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa Cirro ka dalbaday inuu Itoobiya kala hadlo heshiiskii badda, waxaana xisbiga Muuse Biixi uu sheegay in cilaaqaadka labada dhinac uu maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaayey, lagana sugayo Madaxweynaha in safarkiisu aanu noqon mid ka meeqaam hooseeya safarradii madaxdii ka horreysay ku tagtay dalka Addis Ababa, gaar ahaan kii lagu kala saxeexday heshiiskii is-afgarad (MoU) 1dii January 2024.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed