Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxumed Cumar, ayaa shaaca ka qaaday saamiga rasmiga ah ee ay ku yeelan doonaan dakhliga ka soo xarooda shidaalka laga soo saarayo gobolka.
Madaxweyne Mustafe oo maanta ka hadlayay munaasabadda xuska Maalinta Calanka Itoobiya, ayaa sheegay in boqolkiiba 50% ay Soomaalidu si toos ah uga heli doonaan dakhliga shidaalka, halka faa’iidada kale ee ka timaadda dakhliyada guud ee dowladda federaalka loo qaybin doono si waafaqsan nidaamka caadiga ah ee dalka.
“Shidaalka iyo Khayraadka ka soo baxaya iyo ganacsiga iyo shaqo abuurka laga helayo iyo dakhliga laga helayo oo si cad loogu ansixiyey golayaasha iyo sharciyada dalka in boqolkiiba konton la siinayo deegaanka Soomaalida oo ay leeyihiin, wixii kale ee dawladda dhexe u xaroodana uu yahay waxa aan haddaba ka faa’iideyno ee meel walba lagu dhisayo ee ah lacagaha dawladda federaalka ay miisaaniyadda ku darayso in haddana dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsi awgood dadka six un loogu sawiro waa nasiib darro” ayuu yiri Mustafa.
Hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ahaa dhaliilo siyaasadeed oo ay mucaaradkiisu u jeediyeen maamulka DDS, kuwaas oo ku eedeeyay in aan deegaanka si buuxda uga faa’iideysan khayraadka dabiiciga ah ee laga helay dhulka Soomaalida.
Madaxweynaha ayaa xusay in go’aankan uu yahay mid sharciyeysan oo ay ansixiyeen golayaasha sharci-dejinta ee federaalka Itoobiya, isla markaana uu horseedi doono horumar dhaqaale, shaqo abuur iyo ganacsi ballaaran oo ka hirgala deegaannada Soomaalida.
Horay, Ururka ONLF ayaa si adag u cambaareeyey mashruuca soo-saarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga wado gobolka Soomaalida ee Ogaden, iyagoo ku tilmaamay mashruucan mid lagu fulinayo “boob khayraad” iyo “khiyaano siyaasadeed” ka dhan ah shacabka deegaanka.
HBN ONLINE TV