Faahfaahin ka soo baxaysa dilka madaxii sirdoonka Alshabaab ee Beledweyne

Howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Cali Axmed Guure, oo loo yaqaanay Cali Qoyane, kana mid ahaa horjoogayaasha ugu sarreeya Alshabaab, una qaabilsanaa sirdoonka magaalada Beledweyne.

Howlgalka oo dhacay xalay ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay macawiisleyda deegaanka, iyagoo taageero ka helaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha howlgalka ayaa sheegay in Cali Qoyane lagu bartilmaameedsaday xilli uu ku sugnaa maqaayad shaah laga cabo oo ku taalla deegaanka Mabaax. Intii howlgalka socday, waxaa gacanta lagu dhigay hub uu watay oo ay ku jiraan qori AK-47 ah iyo bistoolad.

Cali Qoyane ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo weerarro argagixiso oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah gudaha Beledweyne.

Sidoo kale, dhowr jeer ayuu ka badbaaday sida lagu sheegay warbinta kasoo baxday dowladda isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo, balse xalay ayaa la xaqiijiyay dhimashadiisa.

Dilkiisa ayaa loo arkaa dhanka dowladda guul muhiim ah oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, iyadoo howlgalka uu caddeyn u yahay sida hadalka loo dhigay geesinimada iyo isku-duubnida ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee Hiiraan, kuwaas oo dadaal ugu jira xoreynta guud ahaan gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed