Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay dadaallo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo qoysaskii ka barakacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaasi ka saareen kooxda Alshabaab.
Barakac baahsan ayaa ka dhashay markii Alshabaab laga saarayey Awdheegle, taas oo sababtay in boqolaal qoys ay ka qaxaan deegaanka, hase yeeshee maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hadda bilaabay qorshe dib loogu dajinayo dadkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka degmada Awdheegle, isla markaana ay heleen taageero iyo fududeyn ka timid taliska ciidamada si loo dardargeliyo dib u dejinta dadka barakacay iyo soo celinta noloshoodii caadiga ahayd.
Guddoomiye Najax ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabaab inay si adag ugu dhibaateeyeen dadka deegaanka, isla markaana ay geysteen tacaddiyo ay kamid yihiin gubista hoygooda, baabi’inta hantidooda iyo mamnuucidda wax-soo-saarka beeraha, taas oo keentay in shacabka soo foodsaarto nolol adag.
Dhanka kale, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaradaha maamulka qaarkood ay si deg-deg ah uga howlgeli doonaan degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo dhawaan laga saaray kooxda Alshabaab.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda Federaalka ee dib-u-dejinta dadka barakacay, dib u dhiska deegannadii laga xoreeyay Alshabaab, iyo xaqiijinta amniga si bulshada loogu abuuro nolol nabdoon iyo xasillooni waarta.