Dowladda Soomaaliya oo Afgooye ku qabatay xubno Al-Shabaab loo soo diray Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ku soo bandhigay howlgal qorshaysan oo ay ku qabteen laba xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War ka soo baxay saraakiisha milateriga Soomaaliya oo uu baahiyey raadiyadaha Ciidaamada ayaa lagu sheegay in labada eedeysane ay qirteen in loo soo diray magaalada Muqdisho, si ay halkaas uga fuliyaan falal lagu tilmaamay kuwa “argagixiso” oo lagu beegsan lahaa shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel.

Sidoo kale, xogta ayaa intaasi lagu daray in howlgalkan oo si xeeladaysan loo fuliyay uu qayb uu ka ahaa dadaallada joogtada ah ee ay Ciidanka Qaranku ku baacsanayaan kooxda Alshabaab, kuwaas oo isku dayaya sida hadalka loo dhigay inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale muujiyay feejignaan, xili uu Taliska ciidanka sheegay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan illaa dalka laga cirib tiro kooxaha loogu yeero nabad-diidka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed