Puntland oo sheegtay in meydadka xubno daacish Ajaaniib ku jiraan in laga helay calmiskaad

Maamulka Puntland ayaa maanta shaacisay in meydadka maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda ay ugu yeeraan argagixisada ee Daacish, oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajaanib ah, laga helay goobihii lagu dagaallamay ee buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

War ka soo baxay ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in meydadka firxadka Daacish, oo muddo yaallay godadkoodii buuraleyda Togga Baallade la helay, iyagoo qalalay kadib markii ay kooxdu awoodi waysay inay aasaan.

“Meydadka firxadka kooxda argagixisada ah ee Daacish oo qalalay ayaa daadsan hareeraha Togga Baallade, kuwaas oo argagixisadu awooddi waayeen in ay aastaan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay cashar adag u dhigeen Daacish, islamarkaana ay sii wadaan howlgallada looga saarayo godadka iyo buuraleyda ay weli ku dhuumanayaan xubno kooban oo ka tirsan kooxda.

Puntland waxay ku tilmaantay kooxda Daacish inay marayso “maalmaheedii ugu dambeeyay ee jiritaankeeda” kadib sanado dagaal joogto ah oo ciidamada ammaanku kula jireen buuraleyda Calmiskaad iyo agagaarkeeda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed