Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si buuxda u beenisay warbixin ay faafisay warbaahinta dalka Sweden, taas oo lagu sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la galay Dowladda Sweden heshiis qarsoodi ah oo lagu dib-u-celinayo muwaadiniin Soomaalida ah oo dambiyo ka galay Sweden.
Warbaahinta Sweden ayaa qoray in heshiiskaasi uu ku lug lahaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya ay heshay ku dhawaad 10 milyan oo doollar, taasi oo la sheegay in lagu beddelay aqbalidda dib-u-celinta muwaadiniintaas.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si caro leh uga jawaabay arintaasi ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku tilmaamay warbixintaasi “been abuur iyo marin-habaabin aan sal iyo raad toona lahayn”, isagoo carrabka ku adkeeyay in aanay jirin wax heshiis qarsoodi ah ama shuruudaysan oo Soomaaliya la gashay Sweden ama dal kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniin ama qaybinta gargaarka horumarineed.
Dowladdu waxay intaas ku dartay in xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, sharciga caalamiga ah, iyo daah-furnaan, halka dhammaan gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee la siiyo Soomaaliya lagu maamulo qaabab daah-furan oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay iyo nidaamka xisaabaadka dowladda dhexe.
Warbixintaasi ayaa soo baxday maalin kadib booqasho uu Muqdisho ku yimid Wasiirka Difaaca Sweden, taas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aanay xiriir la lahayn arrinta lagu eedeeyay.
Tani waxay ka dambeysay ka dib markii qaar ka mid ah warbaahinta Swedenmay shaacisay heshiis qarsoodi ah oo Soomaaliya & Sweden galeen kaas oo 10 milyan oo doolar oo gargaar ah lagu xiray in Soomaaliya aqbasho dib-u-celinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo dambiyo galay. Baaritaanka ay sameysay idaacadda Ekot ayaa sheegay in heshiiskaas la gaaray bishii Diseembar 2023, uuna ku lug lahaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & masuuliyiin ka tirsan dawlada Sweden.
HBN ONLINE TV