Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, ayaa sheegtay inay fulisay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, oo ay ku jiraan saraakiil muhiim ah oo hoggaamineysay kooxdaas.
NISA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka lagu fuliyay kaddib markii la helay xog sirdoon oo xaqiijisay in kooxda Alshabaab ay qorsheyneysay weerarro lagu carqaladeynayo ammaanka wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad.
Xubnaha howlgalka lagu dilay ayaa gaaraya 7 dgaalame, halka 3 xubnood oo kale oo ka tirsan kooxda ayaa ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamadu si toos ah u beegsadeen goob ay ku sugnaayeen, halkaas oo ay ku urursanaayeen in ka badan 40 dagaalyahan.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay saldhigii kooxda, iyadoo NISA ay sheegtay in la fashiliyey weerar argagixiso oo qorshaysnaa.
Hay’addu waxay sidoo kale xaqiijisay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah intii uu howlgalka socday.
HBN ONLINE TV