Afar kamid ah xisbiyada waa weyn ee Puntland ayaa si adag u cambaareeyay heshiis cusub oo ay kala saxiixdeen maamulka Puntland iyo Somaliland, iyagoo ku tilmaamay “mid aan sharci ahayn” isla markaana “waxyeello u leh midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.”
Bayaan ay si wadajir ah uga soo saareen magaalada Garoowe, xisbiyada Ifiye, Mustaqbal, Mideeye & Sincad ayaa sheegay inay yeesheen kulan degdeg ah si ay u qiimeeyaan cawaaqibta siyaasadeed ee heshiiskaas. Hoggaanka afarta xisbi ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu ku dhaqaaqay sida ay hadalka u dhigeen heshiis “aan lala tashan” dhinacyada siyaasadda, baarlamaanka iyo shacabka, ka hor inta uusan la saxiixin waxa ay ugu yeereen “hay’ad gooni u goosad ah.”
Qodobada muhiimka ah ee bayaanka
Xisbiyadu waxay sheegeen in heshiiskaasi uu khilaafsan yahay Dastuurka Puntland, hoos u dhigayo madax-bannaanida siyaasadeed ee gobolka, isla markaana uu la jaanqaadayo “ajandayaal kala qeybin iyo gooni u goosad” ah oo khatar ku ah midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxay soo saareen bayaanka 9-qodob ah, kaas oo ay ku sheegeen inay gebi ahaanba diidan yihiin heshiiska Puntland iyo Somaliland. Waxay ku tilmaameen heshiiska mid aan sharciyad ku lahayn dastuurka Puntland ama kan federaalka Soomaaliya, isla markaana uga digeen in tallaabo kasta oo aqoonsi siinaysa Somaliland xuquuq gooni u goosadnimo loo arki doono “mid sharci darro ah oo waxba kama jiraan ah.”
Bayaanka ayaa sidoo kale dhaliilay waxa ay ugu yeereen isku day lagu doonayo in lagu yareeyo awoodda iyo heerka siyaasadeed ee Puntland, iyagoo ku baaqay in Golaha Wakiillada Puntland ay si degdeg ah u burhiyaan heshiiskaas. Waxay kaloo ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay caddeyso mowqifkeeda oo ay ka hortagto tallaabo kasta oo wiiqaysa madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Xisbiyadu waxay ugu baaqeen shacabka Puntland inay midoobaan oo ay diidaan isku day kasta oo gudaha ama dibadda ah oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo bulshada. Waxay ku dhiirrigeliyeen wadahadal furan oo ku saabsan arrimaha saameeya mustaqbalka gobolka iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, afarta xisbi waxay ku adkaysteen inay ka go’an tahay ilaalinta dastuurka Puntland, difaacidda midnimada, dimuqraadiyadda iyo federaalka, iyagoo sheegay in aasaaska Puntland uu ku dhisan yahay ilaalinta danaha shacabka iyo midnimada guud ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV