Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay socdaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah ee Jubaland, iyada oo si dadban meesha uga saartay Villa Soomaaliya inay soo hadal qaado magaca iyo xilka uu haayo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in booqashada Madaxweynaha ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo wadatashiyada ku saabsan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
“Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka madaxtooyada ma xusin Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo in uuu yahay Madaxweynaha Jubaland, inkastoo la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulamo Axmed Madoobe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo, si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeysay tan iyo dhammaadkii sanadkii hore.
HBN ONLINE TV