Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ee Soomaaliya, oo ay weheliyaan hoggaamiyeyaal mucaarad ah, ayaa ku heshiiyeen in ay sameeyaan dallad siyaasadeed oo cusub, taas oo lagu mideynayo dadaallada lagu “hagaajinayo” mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Heshiiska waxa lagu gaaray shir ka dhacay Nairobi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wakiillo ka socday Madasha Samata-bixinta Mucaaradka oo kala ah Raysul Wasaareyaal hore Xasan Cali Khayre, Saacid Shirdoon, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
War-saxaafadeed wadajir ah ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaashu ku dhawaaqeen abuurista “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya”, kaas oo mideyn doona Jubaland, Puntland iyo kooxaha mucaaradka, si loo hormariyo wadahadallo ku saabsan kala-guurka siyaasadeed ee dalka iyo taageeridda dadaallada nabadda, xasilloonida iyo horumarka.
Ka qeybgalayaashu waxay sidoo kale ku baaqeen in dalka gudihiisa lagu qabto shir qaran oo lagu xalliyo caqabadaha siyaasadeed iyo in la dhamaystiro dhismaha golahan cusub, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay midnimo muujiyaan, danta guud ilaashadaan, kana fogaadaan kala-qaybsanaan siyaasadeed.
Bayaan waxaa lagu amaanay Dowladda Kenya “dadaalka ay ku fududeysay” shirka Nairobi iyo kaalinta joogtada ah ee ay ku taageerto nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya kama hadlin heshiiskan dhexmaray Mucaaradka iyo labada maamulka oo xiliyadii dambe siyaasadda adag ku wajahayey xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aamada wadahadal ee dhinacyada siyaasadda, inkasta oo aanay ka jawaabin heshiis dhexmara.
HBN ONLINE TV