Maxaa laga ogyahay xaaladda Shifa Cabdi oo saarnayd doonyaha u socda Qasa?

Shifa Cabdi oo ka mid ahayd dadkii saarnaa doonyaha gargaarka u siday Marinka Qasa ayaa lagu soo warramayaa in ay ka mid tahay dadka ay xireen ciidammada Israa’iil, sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan Midowga Yurub iyo Finland.

Gabadhan oo si joogto muuqaallo ugu soo gudbinaysay baraheeda bulshada ayaa muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay soo geliso waxa ay ku tiri “Haddii aad daawanayso muuqaalkan waxa ay ka dhigan tahay in ay ciidammada Israa’iil i afduubteen oo ay ii kaxeeyeen gudaha Israa’iil, idan la’aan.”

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo la yidhaahdo Jussi Saramo ayaa baahiyay muuqaalkeeda sheegaya in doontii ay la socotay dhexda loo galay, xilli ay maraysay biyaha caalamiga ah.

Isla muuqaalkaasi waxa baahisay Fatim Diarra oo ka mid ah Baarlamaanka Finland. Waxa lagu sheegay in si dhow loola socdo xaaladda doonyahan, iyaga oo ugu baaqay shacabku in ay isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka Finland.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed