Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Axdiga Afrika ee Xaquuqda Carruurta, iyadoo 130 xildhibaan ay ogolaadeen, 10 kalane diideen, halka shan kale ay ka aamuseen.
Go’aankan ayaa sababay muran iyo dood xooggan, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo horjeestay ay ku tilmaameen sharci ka hor imaanaya dhaqanka iyo shareecada Islaamka. Xildhibaanadaas ayaa ku dooday in shareecadu qaan-gaarnimadeedu tahay 15 sano, balse axdigaan uu dhigayo 18 sano, taasna ay ku sheegeen mid laga soo min-guuriyay sharciyo sida hadalka u dhigeen shisheeye.
Sidoo kale, qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa dhaliilay ololeyaasha taageeraya ansixinta, iyagoo ugu baaqay in laga waantoobo “ku soo rogidda bulshada Soomaaliyeed sharciyo ajnabi ah.”
Dhanka kale, xildhibaanada taageeray qaraarka ayaa xusay in axdigani muhiim u yahay ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan difaaca ka dhan ah askareynta iyo tacaddiyada kale ee carruurta lagula kaco.
Inkasta oo loo arko tallaabo muhiim ah oo Baarlamaanku qaaday, hadana khilaaf siyaasadeed iyo mid diimeed ayaa weli ka taagan hirgelinta axdigan, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qoyska.
HBN ONLINE TV