Magaalada New York ayaa lagu sheegay in weli aan xal laga gaarin maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taas oo mustaqbalka howlgalka mugdi gelisay.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Soomaaliya weli tahay dal jilicsan, isla markaana aysan kaligeed ku filnayn culayska dagaalka Al-Shabaab.
Maxamuud Cali wuxuu sheegay in inkastoo Midowga Afrika uu laba jibbaaray taageeradiisa Sanduuqa Nabadda, hadana AUSSOM uu weli wajahayo ku dhowaad $180 milyan oo doolar oo ka maqan.
Wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo saaxiibada kale in ay la jaanqaadaan dadaalka Afrika, isagoo ku adkeeyay in howlgalka uusan ahayn mid aan xad lahayn.
Dhankiisa, Wasiirka Koowaad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa dhawaaan ka digay in farqiga dhaqaale ee sii kordhaya uu khatar weyn ku yahay AUSSOM, oo muddo xileedkiisu dhammaanayo bisha December.
Wuxuu ku baaqay in la hirgeliyo qaraarka Qaramada Midoobay ee 2719, kaas oo dhigaya in QM qayb ka qaadato maalgelinta howlgalada nabad ilaalinta ee Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guusha AUSSOM aysan muhiim u ahayn Soomaaliya oo keliya balse ay sidoo kale saameyn ku leedahay amniga gobolka iyo kan caalamka.
UK, Talyaaniga, Japan, Koonfur Kuuriya iyo Spain ayaa kamid ah dalaka illaa iyo haatan ku dhawaaqay ballanqaadyo cusub oo lagu taageerayo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM. Midowga Yurub ayaa sheegay inuu dhawaan shaacin doono taageero gaar ah oo dhinaca ciidan ah.
HBN ONLINE TV