Goorma ayaa la qodi doonaa ceelasha Shidaalka Soomaaliya?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey Baarlamaanka ku shaaciyay in dowladda Federaalka ay si dhab ah u guda geli doonto ka faa’iidaysiga shidaalka dabiiciga ah ee dalka. Wuxuu sheegay in bilaha soo socda la bilaabi doono qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga qodo Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo weyn oo horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in keydka shidaalka Soomaaliya uu ka mid yahay kuwa ugu ballaaran caalamka, taas oo haddii si hufan loo maareeyo, wax weyn ka tari doonta koboca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha dalka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda ka go’an tahay in si cadaalad ah oo daahfuran loo maareeyo khayraadka dabiiciga ah.

“Bilaha soo socda waxaa la bilaabaya qodista Ceelkii ugu horeeyay ee shidaal ah oo Soomaaliya laga qodo. Waxaan u guntanay in aan ka faa’iideysano qayraadka dalkeenna oo ay ugu horeyso Shidlaalka oo la hubiyay in uu ku jiro keydkii ugu badan shidaal ee adduunka laga heli karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mushaar siiso ku dhawaad 100-kun oo qof oo isugu jira ciidamo, xildhibaanno, macallimiin, iyo shaqaale rayid ah, mushaarkaas oo laga bixiyo canshuuraha gudaha. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay ganacsatada dalka ee bixiya canshuuraha, isagoo ku booriyay inay sii wadaan kaalintooda qaranka.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa imaanaya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka muujisay inay si buuxda uga faa’iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana loo beddelo fursado wax ku ool ah oo wax ka beddela nolosha shacabka, haddii loo fuliyo si hufan, isla xisaabtan iyo wadajir dhab ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed