Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad, kaddib markii uu shalay dalka dib ugu soo laabtay si uu u furo kalfadhigan oo dhowr jeer dib u dhacay.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in ay waajib tahay ka soo qaybgalka fadhiga, iyadoo laga codsaday in aanay dhicin maqnaansho ay sameeyaan mudaneyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.
Sida ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa fura kalfadhiyada Baarlamaanka isaga oo khudbad u jeediya labada gole, taas oo uu ku soo bandhigo waxqabadka dowladda muddadii fasaxa iyo sidoo kale talooyin iyo dardaaran guud.
Baarlamaanka 11-aad oo la dhaariyay bishii Abriil ee sanadkii 2022 ayaa muddo xileedkiisa sharci ah ka harsan yihiin wax ka yar siddeed bilood, waxaana la filayaa in kalfadhigan lagu soo gudbiyo qodobbo muhiim ah oo la xiriira doorashooyinka dalka.
HBN Online TV