Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah lagu wadaa inuu dib u furmo, xilli uu dalka uu ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda iyo Mucaaradka, saamayne ku yeeshay howlaha shaqo ee laba gole.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalinta berri ah furi doona Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, isagoo ka jeedin doona khudbad dastuuri ah. Waxyaabaha uu ka hadli doono waxaa ka mid ah arimaha amniga, siyaasadda iyo socdaalkiisii Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb galay shirweynihii 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Intii uu joogay, wuxuu kulamo gaar-gaar ah la yeeshay hoggaamiyeyaal caalami ah, isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, amniga, iyo iskaashiga caalamiga ah.
Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka ayaa ka dhici doona xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, waxaana furitaankiisa ku soo beegmaya xilli xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka.
Kulanka golaha ayaa lagu waday in uu dib furmo 20-ka Bishaan September-2025.
HBN ONLINE TV